XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland

0

Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa bilaabay loolan dhexdooda ah oo midba ku doonayo inuu noqdo musharaxa kaliya ee ay tahay in la taageero.

Afarta murashax ee kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo kasoo jeeda jufada Cusmaan Maxamuud/Majeerteen, murashax Cali Xaaji Warsame oo jufo hoosaadka reer Mahad ee Cumar Maxamuud, Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo Cusmaan Maxamuud u dhashay iyo C/raxmaan Froole oo Ciise Maxamuud kasoo jeeda heybtiisa ayaa mid walba wuxuu aaminsan yahay inuu yahay murashaxa kaliya ee ku haboon inuu galo tartanka xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.

Murashaxa Cali Xaaji Warsame oo ah nin qunyar socod ah, wuxuu isu arkaa inuu yahay shaqsiga kaliya ee xilkaasi qaban kara ama u tartami kara marka la eego murashaxiinta kale, isagoo isku qanciya inuu kasoo jeedo jufada reer Mahad, maadaama Madaxweynihii hore ee DKMG C/llaahi Yuusuf ahaa reer Mahad, cid ka mudan Majeerteenka kalena aysan jirin.

Waxaa sidoo kale loolanka kusoo biiray C/raxmaan Faroole oo isu haysta inuu yahay siyaasiga ugu khibrada dheer uguna waaya­aragsan murashaxiinta kale ee beeshiisa iyo guud ahaan kuwa kale ee beelaha kale.

Saciid Cabdullaahi Deni oo magaciisa dadka Muqdisho ka barteen boorarka murashaxnimadiisa kusoo bandhigay ayaa isagana loolankaan ka barneyn, wuxuuna kuwa kale kaga duwan yahay inuu yahay murashax muuqda oo xiriiro la sameeyay xildhibaanada beelaha kale.

Cumar C/rashiid, oo isna ah ra’iisul wasaarihii xukuumaddii hore oo ololahiisa doorasho dardar ku socdeen maalmihii dambe ayaa sidoo kale doonaya inuu noqdo musharaxa kaliya ee beesha u matalaya loolanka madaxweynaha.

Cumar oo horey u haystay taageerada dhaqaale ee Imaaraatka, balse la sheegay in hadda ay joojiyeen ayaa isagana dhankiisa wada olole uu xildhibaanada beesha kaga dhaadhicinayo inuu mudan yahay in isaga la taageero, maadaama uu yahay siyaasi laba jeer soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xaalada dalkana uu wax badan ka ogyahay.

Puntland waxay ku leedahay baarlamanka Soomaaliya xildhibaani badan oo miisaan yeelan kara, balse haddii ay codadkooda kala qeybiyaan, waxay keeni kartaa in midkoodna afarta musharax uusan meel fog gaarin.

Sidaa darteed waa muhiim inay codka meel isugu geeyaan, kadibna raadsadaan taageerada xildhibaanada beelaha kaliya, si fursad wanaagsan ay u helaan.