XOG:- Doorashada Gudoonka Aqalka Sare Ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi Oo Mugdi Galisay Rajada Wadamada Deriska Ah Ka Lahaayeen Soomaaliya.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Wadamada jaarka la ah soomaaliya Sida Kenya iyo Itoobiya oo fara gelin qaawan ku hayay Arrimaha Doorashooyinka Dalka ayaa Itoobiya waxaa ay Geed dheer & Mid gaaban u kortay sidii ay uga hortagi la heyd Musharraxnimada Cabdi Xaashi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Sababta ay Cabdi Xaashi Cabdullahi Itoobiya ku diidan tahay ay tahay dhowr arrimood waxaase ugu horeeya in Siyaasad ahaan uu yahay Shaqsi adag oo aan la gambanin waxa uu hayo ama uu arko ee ku saabsan Siyaasada Dalka.

Waa Shaqsi Meelo kala duwan iyo Wareysiyo badan ka sheegay in Itoobiya iyo Kenya ay fara gelin ku hayaan Arrimaha Soomaaliya taasana ay sharf dhac ku tahay Madax-banaanida Dalka iyo Sharafta Madaxda Soomaaliya.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Doorashada uu Maanta ku soo baxay waxaa ay Haa’daan dheer ka tuurtay Rajada Itoobiya oo aheyd in ay reebto ama laga guuleeysto Musharrax Cabdi Xaashi oo ay Aminsantahay in uu yahay Mid horseed u noqon kara Badbaado Qaran.

Dad badan oo Wax ka qora Arrimaha Siyaasada Dalka waxaa ay sheegeen in Cabdi Xaashi Cabullahi uu yahay Shaqsi wax badan ka badeli kara Siyaasada Dalka Soomaaliya isagoo adeegsanaya Aqoontiisa iyo Kartida uu leeyahay ee Dal jeceelka ku dheehan.

Hambaliyo iyo Bogaadin aan hakad laheyn ayaa Soomaalida meel kastaa oo ay joogto u dirayaan Guddoonka Aqalka Sare gaar ahaan Labada Masuul ee Ugu Sareysa ee Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari),

dhinaca kale Abshir Bukhaari ayaa isagu ah Shaqsi aqoon yahan Da’yar kaas oo Markii Maanta la doortay Durba ku dhawaaqay in uu la dagaalami doono danaha Siyaasada ee wadamada Cadowga ku ah Soomaaliya, isagoona intaa raaciyay in uusan jirin qof ka wadanisan ama ka wadan jecel.

Isku soo wada duuboo waxaa sii xumaanaya Rajada Ay wadamada Deriska ka lahaayeen Soomaaliya waxaana ay ka baqdin qabaan in is bedelka ugu saameynta badan ay ku dhacdo marka la doorto Madaxweyne loona doorto Musharrax Fikir ahaan ka soo horjeeda Danaha Wadamadaasi.