XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah

0

Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda Eritrea iyo taageeradeeda Ururrada ku kacsan Dowladaha deriska la ah.

Maqaalka ayaa lagu xusay in Dowladda Madaxweyne Issayas ay taageero Ururrada Al-shabaab,OLNF,OLF iyo Ginbot 7,kuwaas oo intooda badan la dagaallama Itoobiya iyo Somaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Eritrea aysan xiriir wanaagsan la lahayn Waddamada deriskeeda ah sida Itoobiya,Jabuuti,Suudaan,Somaliya iyo Yemen.

Kumanaan ka mid ah Dadka Eritrea ayaa dhibaato ku haya sohdimaha yurub,waxaana ay ka cararayaan bahaida ku jirta gudaha dalkooda,halka dowladdooda ay Kumanaan kun oo dollar ku taageerto xasilooni la’aanta dersikeeda.

Waxaa intaas dheer in 170,000 oo Eritrean ah ay ku noolyihiin gudaha Itoobiya,kuwaas oo ay marti gelisay Itoobiya.

Xukuumadda Asmara ayaa u aragta Waddamada deriskeeda ah Madaxda hadda ka talisa in aysan ahayn kuwo la jaanqaadi kara Siyaasadda Eritrea,waxaana ay go’aansatay in ay mucaaradkooda taageero siiso.

Taageerada ayaa qaarkeed lagu sheegay lacagmkuwo farsamo iyo saldhigyo lagu tababaro ciidamda u dagaallama jabhadaha.

Warbixin ay soo saareen kooxda dabagalka Somaliya iyo Eritrea ee Monitoring Group,ayaa lagu sheegay in Eritrea aya bilkasta siiso Al-shabaab $80,000 kun oo Doollarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayey warbixinta xustay in Al-shabaab loo mariyo Safaaradda Eritrea ee Nairobi Kenya.

Eritrea kama mid aha hadda midowga Afrika mana xaadirto xarunta Ururka ee Adis Ababa,sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa saartay cunaqabeyn dhinaca hubka ah.

Xigasho:WaltaInfo.com