XUSKII KOOWAAD EE GEERIDII XILDHIBAANKA QARNIGA MARXUUM XUSEEN WARSAME SAMATAR W/Q. Daahir F. Afdheere

0

Sanad ka hor shalay oo kale oo ahayd 10. 01.2016, wuxuu ahaa maalin aad oo murugo badan oo xus iyo xusuusba mudan oo uu magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku geeriyooday eebbe naxariistii Janno ahayd haka waraabiyee Xildhibaan qaali ah oo geeridiisa aad looga wada naxay, kaasoo ay dad badan ugu magac dareen ama u bixiyeen, magaca ah: “Xildhibaankii Qarniga” Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar.

10 ka bisha Janaayo ee sanad walba waxaa uu haddaba noqon doonaa maalin taariikhda ka asteysan oo dhammaan asxaabta iyo ehelada Marxuum Xuseen Warsame Samatar ay isku wada raaceen in ay u muujinayaan xus iyo baroordiiq aad u weyn.

Waxaa dhammaan asxaabta iyo ehelada kala duwan ee dunida ku kala filaqsan ee aqoonta dheer u lahaa Marxuum Xuseen Warsame Samatar ay isku wada raacsanaayeen oo ku tilmaameen inuu ahaa boqorkii xishoodka iyo wax isku falka, isla markaana ahaa nin shaqsiyad hufan leh oo asluub iyo dhaqan wanaag eebbe ku manaystey, milgo iyo sharafna u saaxiib ah.

Dr. Cabdirsaaq Faarax Afdheere oo ay marxuum Xuseen Warsame muddo dheer saaxiibbo fog wada ahaayeen, aadna uga war qabey xaaladda marxuumka, tan iyo intii uu xanuunsanaa iyo illaa uu ka geeriyoodayna dul taagnaa, ayaa wareysi aan la yeeshay, waxaan wax ka weydiiyay, bal inuu wax iiga sheego shaqsayaddii Marxuumka?. Markii uu Cabdirsaaq in cabbaar ah iga aamusnaa ayuu isaga oo ilmaynaya, wuxuu hadalkiisa ku soo koobay oo yiri:- “Xuseen Warsame wuxuu ahaa haldoor oogada iyo qalbigaba ka xaragooda, hunguriga iyo ceebtana ka faana oo ka hor mariya gobanimada iyo is-dhowrka!.”

Markii uu Cabdirsaaq intaas ii sheegay ayaan waydiiyay bal inuu ii faahfaahiyo waxa uu ula jeedo hadalka ah: “Oogada iyo qalbiga ka xaragooda”, wuxuuna iigu jawaabay in Marxuum Xuseen Warsame uu oogada ka ahaa shaqsi aad u nadaafad iyo xarago badan, dharkana sheyba shayguu ka qurux badan yahay xirta, qalibana ka ahaa nin fekerba fekerka uu ka qurux badan yahay qaata, xumaha iyo fawaaxishta kalana ka ilaasha, diinta islaamkana aad u jecel.
Waxaa asxaabta iyo ehelada kala duwan ee Marxuum Xuseen Warsame ay halkaan si gaar ah bogaadin iyo mahadcelin uga dirayaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, kuwaasoo si heer qaran ah uga qayb qaatey Aaskii Marxuumka, isla markaana si qurux badan uga sheekeeyay una maamusey shaqsiyad wanaagii lagu yaqaaney Marxuumka.

Maalmihii ugu dambaysey ee nolasha Marxuum Xuseen Warsame Samatar ee uu dardaarmayay, ayaa isaga oo weli hadalka si fiican u kara la weydiiyay su’aasha ah, bal inuu sheego haddii ay jirto cid uu la jeclaan lahaa oo uu uga dardaarmayo kursigiisa xildhibaanimo? Isaga oo aad u dhoola caddeynaya ayuu ku jawaaabay :- Waxaa markii horeba aan aad uga xumaa oo nasiib-darro aad u weyn ahayd, inaan kursi qabiil leeyahay ku fadhiyey, taasoo ahayd masiibo siyaasadeed oo waayadii dambe Soomaaliya hareysey, si kastaba ha ahaatee, haddii ay taasi ay dhacday, aniga marnaba lagama yaabo inaan qabiilkii aan ugu fadhiyay kasii hoos maro oo haatan aan qof gaar ah uga dardaarmo. Waxaan hawsha ku saabsan Kursiga aan u daynayaa waxgaradka beesha, ayaga ayayna u taalaa qofka ay u dooranayaan, waxaan doonayaa in beesha iyo dhammaan beelaha kale ee Soomaaliyeed ay xabaasheyda ka wada qayb qaataan, ayadoon la i oranayn waa kii dadka u kala eexday oo kursigiisa qof gaar ah uga dardaarmey, wuxuuna hadalkiisi ugu dambeeyay ahaa, ducada ah:- “Allow Umadda u gargaar, Dawlad caaddil ahna u dhali, musuuliyiin sharaf leh oo ka damqadana u keen.” Anaguna waxaan leenahay allow Marxuumka ducadiisa noo aqbal, asagana Janadii Fardowsa ahayd ka waraabi. Aammiin, Aammiin.

Daahir F. Afdheere
Email. owsame1@yahoo.com
Birmingham, United Kingdom