Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dil ka dhacay Masaajid ku yaalla Muqdisho

0

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dil xalay fiidkii ka dhacay gudaha Masaajidka Bandhabow ee Degmada Xamar jajab, kadib markii halkaasi xoogag ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

War ka soo baxay Shabaab oo laga sii daayay Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Shabaab ayeey ku sheegteen Shabaab masuuliyadda dilkaasi loo geystay askariga ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida.

Askariga dilka loo geystay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar, wuxuu dhacay dilkiisa xilli uu dhageysanaayay cashar tafsiir oo ka socday Masaajidka Bandhabow ee Degmada Xamar jajab.

Shabaab waxa ay sheegteen Maxamed Cumar inuu horay u soo noqday Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Degmada Xamar jajab, balse hada uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Dhalinyaro Shabaab ka tirsan ayaa geysatay falkaasi dilka ah, kuwaasi oo mid ka mid ah uu istaagay albaabka masaajidka laga soo galo si uusan u baxsan askarigii ay dilayeen.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadal haayaa sheekada ku saabsan dilka xalay ka dhacay Masaajidka gudihiisa, iyadoo dadka siyaabo kala duwan goobaha fadhi ku dirirka ay ugu hadal hayaan.

Dilalka qorsheysan ayaa ka dhaca Magaalada oo ay geystaan Shabaabka, balse waxaa arin la yaab leh noqotay in Masaajid gudihiisa dil laga geysto.