AR Farmaajo Iga Gaarsiiya!: TALO SOO JEEDIN

0

Marka hore waxaan u hambalyaynayaa madaxweynaha cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliyeed Mudane Farmaajo. Mar labaadka waxaan usoo jeedinayaa talo kooban oo aan u arko inay wax tar u leedahay madaxweynaha iyo ummadda Soomaaliyeedba.

1) Qodobka iigu muhiimsan maanta ee ii muuqdaa waa sidee guushan la helay loogu beddeli karaa wax dhaqan gala oo la hanan karo?

Waxay ila tahayn Madaxweyne si uu wax u dhaqan geliyo waa inuu laba mid uun haystaa.

A) Awood lagaga baqo iyo aragti waddaninimo ku jirto oo amarkiisa aan laga hor imaan karin sidii AHN Siyaad Barre (bilowgii), Suharto, Marshal Tito Ataturk iwm.

B) Kalsooni shacab soo doortay oo u dhega nugul diyaarna u ah inay lana shaqeeyaan, una hoggaansamaan.

Labadan arrimood midkoodna hadda Soomaaliya kama jirto. Waxa laga yaabaa in dadka qaar kalsoonida shacabka ay u arkaan dabaaldegyada gobollada ka dhacaya. Waa run waxay muujiyeen shacabkaasi kalsooni, laakiin waa shacab masaakiin ah oo aan waxba fara ugu jirin niyad samidooda mooyee.

Haddaba innagoo eegayna xaaladda maanta Soomaaliya ku jirto sidee rajada shacabka loogu rogi karaa wax dhaqan gala.

Soomaaliya (inta badan) waxa maanta ka jira maamul goboleedyo ka wakiil ah degaannada ay ka dhisan yihiin. Waxa jirtey xukuumadihii hore in xidhiidhka dawladda dhexe iyo Maaamul-goboleedku aanay marna hanaqaadin, waxayna sababtay inay arrintaasi ragaadiso in dawladnimadu si dhab ah u hirgasho oo mar walba khilaaf iyo kalsooni la’aani ay la deris noqoto labada dhinacba taasoo khasaare iyo dibudhac ku abuurtay labada dhinacba.

Madaxweyne Farmaajo waxaan kula talin lahaa inta aanu wax kale ku tallaabsan:-

1) inuu shir balaadhan u qabto maamul goboleedyada xukuumadahooda, Baarlamaanandooda iyo wakiillo madaxdhaqameedkooda metelaya. Tusaale ahaan 3 qof oo xukuumadda maamul goboleedka metela, 3 baarlamaan-goboleedka metela, 3 Madax-dhaqameedka metela. Wakiilladani iyo Madaxweynaha iyo guddi Madaxbannaan oo Soomaaliyeed oo karti iyo aqoon iyo Soomaalinnimo (dal iyo dad jacayl) lagu doortay waa inay shir galaan lagana wada hadlaa sida ugu habboon ee loo wada shaqayn karo sidii qarankan loo samata bixin lahaa, madaxbannaanidii qarannimona dib loogu hanan lahaa kalsoonina loo abuuri lahaa si aynu halka aynu maanta taagannahay ee foosha xun hore uga dhaqaaqno.

2) In kooxahani iyo guddiga madaxabannaani ay dejiyaan qorshe ku meelgaadh ah oo qeexaya sidii wadajir loogu wada shaqayn lahaa xadna loo kala yeelan lahaa inta laga gaadhayo in la qoro qodobbadii rasmiga ahaa ee kala xadayn lahaa maamul goboleedka iyo Dawladda Dhexe. Waxaan qabaa haddii taa la helo oo isfaham yimaaddo in beesha caalamka iyo waddammada arrimaheenna faraha kula jira lala xisaabtami karo qorshe wadashaqayneed oo wax ku ool ah oo danteenna ka turjumayaona aynu la geli karno ciddii dani inaga gasho.
3) In guddi heer qaran loo saaro arrinta khilaafka Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle si loogu helo xal qaran, dadka degaannadaasina ay u helaan metelaad dhab ah oo waxna kula qaybsadaan Soomaali waxna ku soo biiriyaan.

4) Intaa dabadeed waxaan odhan lahaa waa in si mug leh oo wadajir ah loogu hawlgalaa sidii walaalaha Somaliland si dhab ah oo walaaltinnimo, garawshiiyo iyo isqaddarini ku jirto loola xaajoon lahaa iyadoo aan laga tallaabsanayn waaqiciga jira iyo taariikhda labadaba. Arrintani waxay u baahan tahay in dad xeeldheerayaal ah oo waayo arag ah oo dalka iyo dadkaba u damqanaya xogogaalna u ah meelaha sartu ka qudhuntay loo saaro. Weliba in debecsanaan badan loo muujiyo walaalaha waqooyi lana xusuusnaado gobannimadii iyo walaaltinnimadii ay iyagoo dawladnimadii iyo calankiiba wada ay koonfur keeneen 1960 shuruudana aanay ku xidhin.

Waa in garashadii lixdankii oo garawshiiyo wadata maanta laga helaa koonfur. Waxaan rajaynayaa in dadka Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan inta mabda’a Somaliland aamminsan ay iyana debecsanaan muujiyaan kana saaraan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ducfiga, qaran la’aanta, magacxumada iyo horumar la’aanta derisyadeennii inaga reebtay. Haddaynaan qaran la’aqoonsan yahay oo mid ah oo ammaankiisa la isku hallayn karo, heshiisyo ganacsi iyo maalgashi geli kara, dadkiisuna wadajiro dhaqso dib ugu yagleelin way adkaanaysaa inaynu ka daba tegi karno adduunkan xawliga ku soconaya ee kala guurka Juqraafi, Siyaasadeed iyo tartan ganacsi ku tartamaya.

Gunaanadkii waxaan madaxweynaha la doortay kula talinayaa inaanu ku degdegin beesha caalamka wadaxaajoodkooda iyo isku taaggooda inta aannu kalsooni iyo wadashaqayn ka helin ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan maamul-goboleedyada. Waxaan kaloo kula talinayaa inaanu ku khatalmin dabaaldegyada iyo tahniyadaha iska soo daba dhacaya tan iyo maalintii la doortay ee uu ogaado in hawl adagi u taallo cadow badanina ku hawlan yahay inay fashiliyaan.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji).
dalmarbilaal@gmail.com