Ciidamada Ciraaq oo qabsaday buundada isku xirta qeybaha Mosul

0

Sarkaal u hadlay Militariga dalka Ciraaq wuxuu sheegay inay daacish ka qabsadeen buundada wobiga Dalja ee Mosul.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa hadda u guranaya dhanka Koofurta-Galbeed ee magaalada Mosul.

Booliska sida militariga u tababaran ayaa si xowli ah ugu sii dhowaanaya qeybta degmada Jawsaq, kuwaas oo qabsaday Buundada afaraad.

 

Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.

Buundada shanaad waa midda sida xun u burburtay ka dib duqeymo xoog badan oo loo geystay.

Laakiin haddii dayactiro buundada afaraad waxay caawineysaa ciidamada dagaalka ku jiro si ay u helaan garab iyo ciidamo dheeraad ah.

Dhanka kale, Shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey waxay sheegayaan inay si aad ah uga walaacsan yihiin xaaladda aadanaha ku nool meelaha ay weli daacish maamusho.

Galbeedka Mosul ayaa la aaminsan yahay inay ku nool yihiin 750 kun oo qof oo shacab ah.

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay la hadashay qoysas ku nool Galbeedka Mosul.