Ciidammada Ciraaq oo horumar ka sameeyay dagaalka Mosul

0

Ciidammada Ciraaq ayaa duqeeyay goobaha ay ku suganyihiin kooxda isku magacawda Dawladda Iskaamka ka hor inta aysan guulaha ka gaarin dagaalka ay la galeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Ciidammada Ciraaq ayaa qabsaday tuulooyin kala duwan iyaga oo dagaal ku ekeeyay goobtii u dambaysay ee ay ku xoog badan tahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka oo ah qaybo ka mid ah magaalada Mosul.

Boqolaal gawaarida milateriga ah oo gacan ka helaya duqaymo dhanka cirka ah ayaa ku jihaystay Axaddii goobo ay Dawladda Islaamku fariisimmo ku leeyihiin.

Horumarka ay ka sameeyeen Axaddii koonfurta magaalada Mosul ayaa u sahashay in ay meel durugsan ka weeraraan garoonka diyaaradaha, magaaladaasi ayaana ah midda labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq.

Waxaa walaac laga muujiyay ammaanka kumannaan shacab ah oo ku go’doonsan halkaas.

Weerarkan waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Axaddii Ra’iisalwasaaraha Ciraaaq Xaydar Al-Cabadi

Abdulamir Yarallah oo ka mid ah saraakiisha milatariga oo war qoraal ah soosay ayaa sheegay in ciidammada gurmadka degdega ah ay qabsadeen tuulooyinka Athbah iyo Al-Lazzagah kuwaas oo ah labo tuulo oo ku yaalla koonfurta garoonka diyaaradaha ee Mosul.

Ciidammada dawladda ayaa dib u qabsaday bariga magaalada bishii hore, waana meesha kali ah ee ay ku xoogbadan tahay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. laakiin milatarigu waxay sheegeen in laga yaabo in ay dhibaato kala kulmaan dhanka galbeedka.

Laakiin hadda wax horumar ah lagama sii samaynin bariga Mosul maadaama oo la jaray dhamaan buundooyinkii ka talaabi lahaa webiga Tigris oo isku xirayay galbeedka iyo magaalada inteeda kale.