DAAWO:- Banaanbaxyo Waa Weyn oo ka dhacay Dalka Koofur Afrika

0

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa adeegsaday xabado caag ah, gaas iyo biyo si ay u kala ceyriyaan dhallinyaro diidan soo galootiga oo isugu soo baxay magaalada Pretoria.

Diyaarad boolis oo joog-hoose ku duuleya ayaa sidoo kale gaas ku furay dibadbaxayaasha.

Labada koox ee isu soo baxay oo oo kala ahaa ajaaniibta iyo muwaadiniinta Koonfur Afrika waxay wateen budad, dhagxaan iyo baangado.

Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan.

Dad badan oo shaqo la’aan ah oo u dhashay South Afrika waxay ajaaniibta ku eedeynayaan in shaqadii oo dhan ay qaateen.

Madaxweyne Zuma wuxuu cambaareeyay ficillada rabshadaha ah iyo kicinta ka dhanka ah dadka Afrikaanka ah ee ka shaqeysta dalkaasi.

Horraantii isbuucan, dad careysan ayaa waxay weerareen ganacsato Nigerian ah, waxaana la boobay tukaamo ay Soomaali lahaayeen.

Dadka kale ee Soo galootiga ah sida Pakistan kuwa ka soo jeedo ayaa sidoo kale lagu boobay qeybo ka mid ah Pretoria iyo Johannesburg.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-