DAAWO SAWIRADA:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo gaaray Jowhar, xilli mooshin ay qaban qaabinayaan Xildhibaanada

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa goor dhaw gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle iyo Wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminaayay, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Shiikh Cismaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa safarkiisa wuxuu ahaa mid deg deg ah, maadaama Xildhibaanada Hirshabelle ay aad ugu kacsan yihiin Madaxweyne Cosoble.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Jowhar, ayaa wuxuu sheegay in shaqooyin badan ay horyaalaan Baarlamaanka Maamulka, islamarkaana laga doonaayo inay Xildhibaanada qabtaan shaqooyinkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa si dadban u soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Xildhibaanada dhexdooda oo ku aadan sida ay ugu kacsan yihiin Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay Xildhibaanada in laga doonaayo inay isdejiyaan, islamarkaana ay eegaan danaha dadka shacabka ah.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo si aad ah uga careysan magacaabistii Golaha Wasiirada Hirshabelle, ayaa qaban qaabinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa Dhacdo.com u sheegay, hadii isbedel uusan Madaxweyne Cosoble ku sameynin magacaabista Golaha Wasiirada Hirshabelle inay xilka ka qaadi doonaan.

Xiisad siyaasadeed oo kacsan ayaa ka taagan Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Hoos ka Daawo Sawirada:-