DAAWO SAWIRADA:- Qaraxyo Mataano ah oo ay ku dhinteen 42 qof

0

Ugu Yaraan  42  qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Qaraxyo xooggan ay ka dhaceen Magaalada ku taalla Galbeedka Suuriya ee Homs.

Sida laga soo xigtay ilaha Ammaanka Magaalada Homs Qaraxyadaasi waxaana ku dhintay dad isugu jira Shacab iyo sidoo kale Askar.

Qaraxyada oo ahaa kuwo xooggan ayaa lagu qaaday Saldhiga ay leeyihiin ciidanka Nabad Suggida Suuriya.

Dadka ku dhintay Qaraxyadaasi ayaa waxaa ka mid ah Sarkaal si weyn looga yaqaano dalka Suuriya oo lagu magacaabo Hossein Da’aboul.

Hossein Da’aboul ayaa ah ninkaan Sawirkiiso hoos ka muuqdo.

Mas’uuliyadda weerarkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyay Kooxda Daacish inkastoo aysan wali sheegan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-