Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe iyo Warar Kala duwan oo ka soo baxaya

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in ku dhawaad 5 qof ay ku dhinteen dagaal u dhaxeeya labo Beelood oo  walaalo ah oo ka dhacay Tuulooyin hoos yimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale dagaalkaasi waxaa ku dhaawacmay 3 qof .

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in dagaalku uu salka ku haayo aanooyin Qabiil iyo sidoo kale dilal horay uga dhacay degaanada lagu dagaalamaayo.

Maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ay arintaan usoo farageliyaan inta aysan sii fidin.