DHAGEYSO:- Ciidamada Maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Miinooyin lagu aasay Balad Xaawo

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida maamulka Jubbaland ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Miinooyin lagu Aasay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa Miinooyinkaan kusoo qabtay ka dib howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland qeybta gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka soo qabteen Miinooyinkaasi oo lagu aasay Xaafado ka mid ah degmada, waxaana uu sheegay in ay wadaan Baaritaano ay ku doonayaan in ay kusoo qabtaan raggii Aasay.

Shacabka kunool degmada Baled Xaawo ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka , islamarkaana ay kusoo Wargeliyaan hadii ay Arkaan Al-Shabaab.

Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa inta badan howlgallo ka sameeya Xaafadaha Magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa Miinooyin iyo Qaraxyo ku aasa goobaha ay fadhiistaan Ciidamada iyo sidoo kale Wadooyinka ay Maraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-