DHAGEYSO:- Ciidamo shaqada laga eryay oo kashifay Qorshe halis ah oo ka socda Xero ay maamulaan Saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta

0

Saraakiisha dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ku tababarra ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay shaqada ka eryeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwii ay tababarreen.

Sida ay sheegeen saraakiil iyo ciidamo laga eryay ciidamada Imaaraadka ayaa waxay arrintan ka danbeysay ka dib markii ciidamada ka biyo diideen qorsha saraakiisha Imaaraadka wateen oo ah inay ciidamadaasi noqdaan kuwa Imaaraad ah oo ka amar qaata saraakiishaasi.

Saraakiisha saxaafadda ka hadashay ayaa sheegay in Milaterigii Imaaraadka ay si xun ula dhaqmeen  oo denbiyo been ah ku soo oogeen, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay arrintaasi soo farageliso.

Waxay sheegeen in Imaaraadka ay u joogaan Soomaaliya inay qortaan ciidamo Soomaali oo calooshood u shaqeystayaal ah tiradooduna gaareyso 15,000 askari

Imaaraadka ayaa ka mida dalalka ciidamada u tababarra dowladda Soomaaliya, waxaana hadda soo baxaya inay ciidamadaasi ahaayeen kuwo ay iyagu doonayeen inay qaataan.

Saraakiisha laga soo eryay xerooyinka ay maamulaan Imaaraadka ee duleedka Muqdisho ayaa dowladda federaalka ka codsaday inay arrimahooda wax ka qabtaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-