DHAGEYSO:- Dhalinyaro Dil Lagu Xukumay oo la Jirdilay

0

Xaaladda caafimaad ee 7 dhalinyaro ah oo hore xukun dil ah loogu xukumay magaalada Boosaaso ayaa lagu tilmaamay mid aad u liidata ka dib markii qaar ka mid ah jirdil loo gaystay intii ay ku sugnaayeen goobaha dambi baarista.

Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari ayaa VOA u sheegay in Xaalada Dhalinyaradaasi ay aad u xuntahay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo dhibaatada loo geystay dhalinyaradaasi oo dil toogasho ah ku xukuman.

Dhalinyaradaan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso, waxaana Maxkamada Ciidamada Puntland ay ku riday xukun dil ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-