DHAGEYSO:- Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Amray in la furo Wadooyinka Xiran

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimacaale ayaa ku amray gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay Furaan wadooyinka ee xiran ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in wadooyinka waa weyn iyo sidoo kale Jidcadayaasha ku yaalla Magaalada Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo si ay u maraan dadka shacabka ah.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sidoo kale ku amray gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay qaadaan tilaabooyin ay ku furayaan wadooyinka.

Inta badan wadooyinka Qaar ee Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Jidcadayaasha Xaafadaha Dhexmara ayaa waxaa ku go’an dhagaxaan iyo sidoo kale Ciid.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilihii lasoo dhaafay waday qorshe lagu furaayo wadooyinka lagu jaray dhagaxaanta iyo sidoo kale Ciida.

Hoos ka Dhageyso Codka:-