DHAGEYSO:- Maamulka degmada Tayeeglow oo baaq u diray dowladda Cusub

0

Gudoomiyaha degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay xaalada Degmada tayeeglow oo ay wali gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.

Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa sheegay in dad badan oo kasoo barakacay degmada ay soo gaareen Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool , halkaasina ay ku haysato dhibaatooyin adag oo dhanka Nolasha ah.

Waxaa uu sheegay 800 boqol oo qoys ay hadda ku sugan yihiin Xudur , islamarkaana Al-Shabaab ay dhibaato ku haayaan dadkii ku haray degmada Tayeeglow.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay in uu ku taageero sidii ciidanka dowladda Soomaaliya ay dib ugu qabsan lahaayeen degmada Tayeeglow.

Hoos ka Dhageyso Codka:-