DHAGEYSO:- Maamulka Koofur Galbeed oo si la yaab eh ugu Hadlay Magacaabista Ra’isal Wasaaraha Cusub

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay la shaqeynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo shalay uu magacaabay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa waxa uu sheegay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed in ay isku raaceen in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaliya.

Wasiir Fiqi ayaa waxa uu sheegay Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu yahay nin dalinyaro ah, waaya arag ah, mudo badana ka soo shaqeeyay wadamo badan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Famaajo) ayaa shalay Xasan Cali Khayre u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasi oo laga sugayo shaqooyin fara badan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-