DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Guuleystay Inuu Dalka Soomaaliya Ka Saaro Gen. Gabre

0

Dowlada Itoobiya ayaa qorsheyneysa iney badal ku sameyso Sirdoonkooda Soomaaliya gaar ahaan Jeneraal Gabre kaas oo si weyn looga nacay Soomaaliya.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la ogaanayaa inuu dowlada Itoobiya ku wargeliyay in Generaal Gabre uusan sii joogi doonin magaalada Muqdisho.

Dowlada Itoobiya ayaana dooneysa iney badasho sargaalkan saameynta weyn ku lahaa Soomaaliya 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ilaa haatan lama ogaan magaca sargaalkan ay Itoobiya qorsheysay iney ku badasho Jeneraal Gabre, laakiin xogta aan ka helnay saraakiil katirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa sheegaya in sargaalkaas uu haatan ku sugan yahay magaalada Baydhabo.

Kadib markii la doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Itoobiya ayaa weysay dhaq dhaqaaqii ay ka sameyn jirtay gudaha Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO