DHAGEYSO:- Maxkamadeynta Wariye Coldoon oo dib loo dhigay

0

Maxkamadeynta Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa Maanta dib u dhacday sida ay soo sheegayaan Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Hargeysa.

Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu  ku xad gudbay Jirintaanka Somaliland.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-