DHAGEYSO:- Qiimaha Qaadka oo Sare u kacay iyo Sababta oo la ogaaday

0

Qiimaha lagu kala iibsado maandooriyaha Qaadka ee Muqdisho ayaa cirka isku shareeray ka dib markii la sheegay in la kordhiyay Canshuurta laga qaado Qaadka laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa Risaala u sheegay in maanta ay soo  degeen oo kaliya labo diyaaradood oo Qaad sida, halka horay Maalintii ay usoo degi jireen 18 diyaaradood.

Ganacsatada waa weyn ee Qaadka iibiya ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin.

Laakiin waxaa jira Ganacsato ka faaidaystay Shaqa joojintaasi , islamarkaana maanta Magaalada Muqdisho soo geliyay Qaad qiimihiiso aad u sareeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in la kordhin doono Canshuurta laga qaado Ganacsatada keensata Qaadka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-