DHAGEYSO:- Qodobadii ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Sucuudiga oo la soo saaray iyo Farmaajo oo ka hadlay

0

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Dalka Sucuudiga ayaa Balanqaadyo Wanaagsan ka soo helay Madaxda Boqortooyada Sucuudiga.

Farmaajo ayaa Markii uu dib dalka ugu soo laabtay waxaa uu sheegay in Dowlada Sucuudiga ay kawada hadleen taageerada dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Qorshayaashii ay dowladda Federaalka hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda.

Sidoo kale dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku ku shaqeeyaan,sida garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudiga ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa intaa ku daray in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen Dowladda Sucuudiga laga aqbalay.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-