DHAGEYSO WAREYSI:- Arrin la yaab leh oo lagu arkay Dalka Koofur Afrika iyo Soomaalida oo la..

0

wararka laga helayo Somalida kunol dalka Koonfur Africa ayaa tibaaxaya in iminka ay korortay dhibaatada loo geesanayo ganacsatada Somalida ee dalkaa ku nool.

Xaaladaan ayaa soo ifbaxday kadib markii ay soo yeertay in dadka wadankaa u dhashay ee Koonfur African ay bilaabeyn kacdoon ka dhan ah ajaanibta oo ay Somalidu kamid tahay.

Leylo Maxamuud Cabdulle Madax tababarada Xarun Cilmibaaris ayaa sheegtay in iminka ay dhibeyso xaaladaha murugada leh ee laga soo sheegayo Somalida Koonfur Africa kunool oo wajahaya dhibaatooyin hor leh.

Leylo ayaa madaxda Dowlada Federaalka iyo hey’adaha u dooda xuquuqul-Insaanka ku eedeesay in ay ka gaabiyeen ka hortaga dilalaka loo geesanayo Ganacsatada Somalida ee lagu dhibaateenayo dalka Koonfur Africa.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-