DHAGEYSO WAREYSI:- Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Dil Caawa ka dhacay Masjid ku yaalla Muqdisho

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dil caawa ka dhacay gudaha Masjidka Bandhabow oo ku yaalla inta u dhaxeysa wadada Buundooyinka, gaar ahaan dhanka Degmada Xamar Jajab.

Dilkan oo dhacay Salaadii Cishaha kadib ayaa waxa uu ka dhacay Masjidka gudihiisa, waxaana lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar, oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Qof ka mid ah Dadka Degaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay xilliga uu dilka dhacayay in Maxamed Cumar uu dhageysanayay Kitaab Fiqi ah oo uu Akhrinayay Sheekh magaciisa lagu soo koobay C/raxiin.

Sidoo kale Qofkan ayaa inoo sheegay Masjidka in uu leeyahay Saddex Albaab, kooxaha dilka geystayna ay ka soo galeen mid ka mid ah Albaabada, 4 xabadoodna dhanka sare ee jirka ay uga dhufteen ninka la dilay, sidaasina ay ku baxsadeen.

Ciidanka ammaanka oo goobta gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaano, iyagoo dadkii ku jiray Masjidka ku amray in aysan ka bixin Masjidka ilaa baaritaanada laga soo gaba gabeeyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-