DHAGEYSO:- Xildhibaan C/xakiin Macalin “ Waxaan ka shaqeyneynaa Sidii Ciidanka Dowladda ay u heli lahaayeen Mushaar Joogto ah”..

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan xilligan wixii ka dambeeya sidii Ciidamada Dowladda Federaalka ay u heli lahaayeen Mushaaraad joogto ah.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalaka ayaa waxa uu sheegay shaqooyinka ugu muhiimsan ee uu qabanayo in ay tahay xaga sharciyada iyo ilaalinta xuquuqda.

Waxa ay sheegeen in hada kadib ay adkeyn doonaan la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Federaalka, si shaqaalaha Dowladda oo ay Ciidamada ka mid yihiin ay u heli lahaayeen xuquuqda ay leeyihiin.

Sidoo kale Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed ayaa sheegay muhiim in ay tahay Ciidanka in ay helaan Mushaaraadkooda, maadaama ay yihiin kuwo mar walba difaaca wadanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-