DHAGEYSO:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo Degmada Waajid

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegeen in dadka ku nool degmaaasi ay xaalad adag ku sugan yihiin.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadkaasi dhibaateysan sida ay sheegeen.

Xildhibaanadaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee gaaray degmada Waajid ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in dhibaatooyin dhanka nolosha ay ka jirto degmada Waajid.

Waxa ay xuseen in shacabka iyo Maamulka Koofur galbeed loogu baahan yahay in uu gurmad deg deg ah gaarsiiyo dadkaasi.

Degmada Waajid ayaa ah degmo go’doosan, Waxaana qeybo ka mid ah degmadaasi ku sugan Al-Shabaab.

Sidoo kale Waxaa xeran suuqyada degmada Waajid wax dhaq dhaqaaqna kama jiro sida ay Maamulka inoo xaqiijiyeen.

Degmada Waajid ayaa Magaalada Baydhabo kaga beegan dhanka Koofureed 90 KM

Hoos ka Dhageyso Codka:-