Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

Diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa lagu soo waramayaa inay duqeymo ka geysteen duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen dhowr duqeyn oo ka dhacday aagga deegaanka Haawinaa oo dhaca duleedka Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan lala bartilmaameedsaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Haawina iyo tuulooyin ku dhow dhow.

Lama oga khasaaraha ay geysteen duqeymahan, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan duqeyntan oo dhowr jeer horay ka hadlay duqeymo ka dhacay deegaanada uu ka taliyo.

Duqeymo horay uga dhacay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa lagu qaarijiyay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamo Mareykan ah oo taageeraya kuwa Jubbaland iyo ciidanka Kenya ee AMISOM ayaa la sheegay in dhowaanahan howl gallo ka wadeen duleedyada magaalada Kismaayo iyo deegaano ka tirsan Jubadda Hoose.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media