Dowladda Indonesia oo ka hadashay sababta ay Ra’isal Wasaaraha Israel ugu diidday hawada dalkaas

0

Dowladda Indonesea ayaa ka jawaabtay tallaabo ay qaadday Todobaadkii la soo dhaafay taas oo ay Ra’isalwasaaraha Israel ugu diidday in uu Hawada dalkaas Diyaarad ku maro isaga oo ku siijeeday Australia kana tagay Singapore.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Indonesia Armanatha Nasir,ayaa xaqiijiyay in Dowladdiisa ay ka aargoosaneysay Ra’islawasaaraha Yuhuudda oo doonayay in uu safar diyaaradeed ku maro hawada dalkaas.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ay wax iska caadi ah tahay maaddaama horay ay Israel ugu diidday Wasiirka arrimaha dibadda Indonesia in uu tago Falastiin,halkaas oo ay ku noolyihiin Muslimiin badan oo ay Israel gumeysato.

Safarka Natenyahu ee Singapore iyo Australia ayaa haddii uu dul mari lahaa Indonesia waxaa ay ku qaadan lahayd  sided saacadoiod iyo bar,waxaase hadda uu ku qaatay 11 saacadood oo diyaarad saarnaa.

Dalka Indonesia waxaa ku nool 240 Milyan oo Muslimiin ah,waxaana ay dowladda dalkaas aad u taageertaa madaxbanaanida Falastiin.

Israel wali kama hadlin tallaabada ay qaadday Indonesia,waxaana ay Dowladda Indonesia sheegtay in tallaabadaas ay ahayd kaliya aargoosi.