Farmaajo” Xabsiga ayaan dhigi doonaa wasiirada isku daya in ay lunsadaan canshuurta aad bixisaan”..

0

Kula dhexmaray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ganacsato ka soo qaygashay caleemasaarkiisii dhacay Arbacadii hore ayaa ku saabsanaa ganacsatada iyo sida ay uga qaybqaadan karto hagaajinta dowladnimada iyo taageeridda xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay ganacsatada in casnhuurta laga qaado ay geleyso gacan ammaan ah, wasiirkii ama ciddii kale eek u takrifashaana ay mari doontoo ciqaab adag.

Kulanka waxaa ka qyabgalay ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala timid dibadda iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu kulankan oo albaabadu u xirnaayeen dhacay waxyar ka hor intii aan la magaacabi Raisalwasaaraha cusub ee Soomalaiya.

Madaxweyne Farmaajo yaa yiri: “Intii aan waddamo kale weydiisan lahaa deyn iyo deeq, waxa ka habboon in aad idinku taageertaa dowladda iyaduna ay idin la shaqeyso,idinna garab istaagto”

Kulankan ayuu ka shegay madaxweyne Farmaajoin haddii ay dowladnimada taageeraan 4, waaxood ay hagaagi doonto, afrtaas ayuu u sheegay, ganacsatada, Warbaahinta, Culimada iyo Siyaasiyiinta.

Waxa uu sheegay in uu qaabili doono warbaahinta kadib marka uu ka soo laabto safarkiisa boqortooyada Sucuudiga.

Waxa uu ka hadlay adeegga ay tahay in ay bixiso xukuumaddu, isaga oo sheegay in ay xukuumaddiisu hagaajin doonto islamarkaana fududeyn doonto sida loo helayo adeegyada ganacsiga sida shatiga, waxa uu isweydiiyey sababta loo weydiiyey qof sameysanaya ganacsi yar, dhaqaale ka badan kan uu ku kacayo ganacsigiisu.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo ayaa sidaas oo kale u sheegay ganacsatada in dalka ay imanayaan shirkado shisheey ah oo maalgelin karo ganacsi ballaaran, ganacsatadii joogtay kulanka ayaa u sheegay in qudhoodu ay doonayana in ay aalgashadaan oo ay wax ka yeeshaa shirkadahaas,