Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Caabudwaaq oo biyo dhaamin bilaabay.

0

Guddiga gurmadka abaaraha ee Degmada Caabudwaaq ayaa maanta bilaabay Biyo dhaamin la gaarsiinayo dadka iyo Duunyada ay abaartu saamaysay, kuwaasi oo daggan deegaannada hoosyimaada degmada.

Guddiga gurmadka abaaraha ee dhawaan lagu wareejiyay lacagtii qoondo ahaan loogu talagalay deegaannada ku xeeran Magaalada Caabudwaaq oo ka soo gaartay Dowlad Goboleedka Galmudug si loogu caawiyo dadka u baahan ayaa maanta bilaabay biyo dhaamin dadka iyo duunyada ay aabartu aafeysay.

Guddiga ayaa intii aysan bilaabin hawshan biyo dhaaminta waxa ay mar sii horeysay ku baxeen deegaanada miyiga si ay uga soo qaataan qiimeen ku aadan inta ay la eegtay baaxadda abaareed ee ay qabaan dadka Xoolo dhaqatada ah ku harsan deegaanada miyiga.

Waxaana maanta iyaga oo ku duulaya xogihii ay ku soo heleen kormeeradii ay horey u qaadeen bilaabeen inay gaarsiiyeen biyo dadka iyo duunyada u baahan
Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay in ay ku guulaysteen qiimayntii ay sameeyeen, taasoo keentay in la bilaabo wajigii koobaad ee biyo dhaaminta oo dadka miyiga ku haray ay biyo gaarsiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Magaalada Caabudwaaq Caaqil Axmed Haaraa iyo Nabadoon Yuusuf Shire oo xubin ka ah guddiga abaaraha ayaa ka warbixiyay sida ay Biyaha u gaarsiinayaan dadka iyo duunyada ay abaartu haleeshey, waxaana ay sheegeen in aysan ku filneyn baahida jirta waqtiga waxa gacanta ay ku hayaan, waxayna ku baaqeen in gurmad intaas ka badan la soo gaarsiiyo.