Howlgallo ka socda Magaalada Boosaaso

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Boosaaso ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi iyo sidii loo soo qab qaban lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxyadii lagu Weeraray Bangiga dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa sii xumaanayay Bilihii lasoo dhaafay Waxaana ka dhacayay Qaraxyo sidoo kale dilal qorshaysan oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.