Madaxa Gargaarka QM Stephen O’Brien Oo U Socdaalaya Soomaaliya Iyo Yemen.

0

Stephen O’Brien, oo jago sare oo dhanka arimaha gargaarka ah ka haya QM ayaa damacsan inuu dhawaan u socdaalo Soomaaliya iyo Yemen.

Stephen O’Brien ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo gaaro dalka Kenya waa sida afhayeen u hadlay QM uu warbaahinta u sheegay shalay.

“Saddexda dalba, Mr. O’Brien wuxuu kula kulmi doonaa dadka sida ba’an dhibaatada baniaadminimo ay u saamaysay taasoo colaado iyo abaaro ay sababeen,” Stephane Dujarric oo ka tirsan QM ayaa sidaa shir jaraaid ka sheegay.

Malaayiin qof ayaa ku dhibban gudaha dalalka Soomaaliya iyo Yemen waxayna halis ugu jiraan inay ku habsato macaluul baahsan.