Madaxweyne Hirshabeelle Cosoble oo lagu wado inuu ka laabto wasiiradii uu magacaabay.

0

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cosoble uu todobaadka soo socda uu qorsheynayo inuu dib ugu laabto magaalada Jowhar, si uu u xaliyo xiisada ka taagan Jowhar iyo mucaaradada xoogan ee uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cosoble uu ka bilaabay magaalada Muqdisho kulamo uu taageero uga raadinayo Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay Hirshabeelle, si ay gacan ugu siiyaan dadaalka uu doonayo inuu ku yareeyo culeyska uga imaanaya Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasoo shalay diyaariyay mooshin ka dhan ah.

Aqlabiyada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sidoo kale xilligan gacanta ugu jirin Madaxweyne Cosoble, waana tan keentay culeyska siyaasadeed ee soo fuulay awgeed uu taageero ka raadiyo Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale caqabadaha kale ee uu wajahayo waxaa ka mid ah kala aragti duwanaan u dhaxeysa isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe oo uu wehliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre aysan ku qanacsaneyn magacaabistii Golaha Wasiirada, maadaama la sheegayo in magacaabistan aheyd mid isaga kaliya ku koobneyd oo xubnaha qaar laga tala gelin.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa qorsheynaya inuu ka laabto Golihiisa Wasiirada ee uu soo magacaabay, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda labada Gobol ay kula taliyeen inuu wax ka bedel ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Illaa 52 Xildhibaan ayaa shalay diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweyne Cosoble, waxaana tiradan ay xataa hor istaagi kartaa ansixinta Golaha Wasiirada, waana tan keeneysa in Madaxweynuhu ku laabto Golaha Wasiirada, si uu u yareeyo cadaadiska uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media