Maxkamada ICJ oo waqti u qabatay Dowladda Kenya ee La Xiriirta Muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

0

Maxkamadda Caddaaladda Caalamka ee ICJ,ayaa waqti u qabatay dowladda Kenya ay kaga jawaabeyso kiiska dacwadda Badda ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

Maxkamadda ayaa amartay Kenya in ugu dambeyn 18-ka December 2017ka ay jawaabteeda ku saabsan Kiiska Soomaaliya ay 2014kii u gudbisay Maxkamadda kaga jawaabto waqtigaas.

Maxkamadda ayaa 19 September ee 2016 u fariisatay dhegeysiga muran u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray sohdin badeedka labada dhinac.

Dhegeysigaas ayaa ujeedkiisu ahaa in Maxkamadda ay kiiskan qaadi karto iyo in aysan qaadi Karin,taas waxaa ay ka dhalatay kaddib markii ay Kenya ku doodday in Kiiskan ay labada dal bannaanka ku dhameysanayaan.

Soomaaliya ayaa diiday in kiiskaas labada dal ay banaanka ku  dhameystaan,waxaana ay kiiskaas u gudbisay Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa 2dii Bishan ku dhawaaqday go’aanka kiiska labada dal ,waxaana ay xukmisay in kiiskaas ay qaadeyso oo ay geli karto.

Taas waxaa ay noqotay  guul ay Somaliya ka gaartay Kenya,waxaana wajiga 2aad uu noqonayaa isu diyaarinta kiiskaas oo ay Kenya iyo Somaliya ku geysanayaan Qareenno u kala dooda.