Maxkamadda Hargeysa oo saaka qaadeysa kiiska Todobo bixiso Nin isku beddeshay iyo Arrin la yaab leh oo..

0

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa saaka qaadeysa mid ka mid ah kiisaska ugula yaabka badan ee xagga bulshada waxaana maanta Maxkamadda ay galeysaa mid ka mid ah dacwadaha ugu yaabka badan Nolosha qoysaska.

Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa waxaa todobaadyo ka hor ka dhacay Aroos,waxaana is guursaday Wiil iyo Gabar is calmaday.

Arooska Kaddib Wiilka aroosay ayaa waxaa uu ka shaqeynayay Mid ka mid ah Warshadaha ama Foornooyinka Rootiga sameeya,waxaana uu shaqada geli jiray 5:00AM ee Subaxnimo.

Wiilka guurka cusub ayaa Xaaskiisa waxaa wehlisa Gabar ay saaxiibbo yihiin oo Todobo bixineysa,waxaana uu maalin maalmaha ka mid ah ka haray shaqada isaga oo xanuunsan.

Wiilka ayaa isaga uu ku jira qolkiisa gaarka ah waxaa uu maqlay cod Rag,waxaana uu u wacay xaaskisa cusub,waxaa uu weydiiyay Ninka ka hadlaya Guriga waxaana ay u sheegtay in ay tahay saaxiibadda Todoba bixinta ugu timid ee la joogtay.

Waxaa uu ku qanci waayay Jawaabta waxaana uu qabtay Saldhigga Booliska,Labo Askari ayaa lagu soo daray,waxaana uu u sheegay in Gurigiisu Rag ku jiro.

Gabadhada Todobad bixisada oo xiran dharka Adag ee Haween iyo Indha shareer ayaa markii ay Askartii Guriga timid ku qasbeen in ay wajiga ka saarto dharka,mise waaba Rag!.

Gabadhii Aroosadda ahayd iyo Ninkii ay ay Haweeneyda ku sheegtay ayaa la dhigay Xabsiga,waxaana markii ay Booliska weydiiyeen sababta ay sidan u yeeshay ku jawaabtay: Ninka saxda ah ee i qaba waa midka ila xiran”!.

Maxkamadda Hargeysa ayuuna saaka kiisan horyaalla oo u fadhida qaadistiisa,Bulshada Hargeysa ayaa aad u hadal haya kiiskan oo ka mid ah kuwa naadirka ah uguna layaabka badan ee ka dhacay Hargeysa.