NUURKII WAYNAA EE KABAXAY GEESKA AFRIKA CAASIMADA MOGDISHO 2017.

0

Dalkeenu waa dal hodan ah,dadkeenuna waa dad soo jireen ah oo leh dhaqanka uugu fiican caalamka marka laqiimeeyo qolo walbaa dhaqankeeda.horaan u sheegay in soomaalidu tahay dadka aduunka uugu quruxda badan,oo waa dad leh midab ah maariin casaan galay oo cid la wadaagtaa jirin caalamka.carabta iyo asiyada oo dhan iyo yurubiyaanka intaba waa ka duwanahay qaab dhismeedka lafeed iyo midabka gaarka ah ee illaahay ina siiyay. soomaalidu waa hogaamiyaha afrika waa gumaysi diidihii u horeeyay afrika waa dadka caalamka uugu horeeyay ee jabhad iyagoo ah gobonimo doon ah diyaarado lagu duqeeyay caalamka.

waa madaxdii faraaciyiinta xukumayay qarniyaal soomaalidu.hadaan kasoo haro inaan daba galo taariikhdeena filka wayn aan usoo laabto mawduuca aan u istaagay.Gumaystuhu waxa uu isku dayay in uu ka faa iidaysto burburkii dawlad nimo iyo dagaaladii sokeeye ee dalkeena ka dhacay 1991 dii. mudo 26 sanadood ah ayaa guumaystuhu inoo kala taageerayay kooxo kooxo iyo beelo beelo markii danbana inaga dhigay dawlado goboldeedyo yaryar oo isaga hoos jooga si aynaan u yeelan dawlad xoog leh oo hanata gayiga soomaaliyeed ee xorta ah.

Waa laynakala qoqobay layna kala qaybiyay iyadoo laga fa iidaysanayo burburkeena iyo dagaalada sokeeye oo ah dawlad la aanteena.gobtu waa liicdaa laakiin majabto.waxaynu rafaad soo maraba halmar ayaa ilaahay mudh inoo soo siiyay madaxwaynihii iyo hogaamiyihii aynu sugaynay 26 sanadood.dal iyo dibadba umadii soomaaliyeed ee niyad jabku iyo murugadu haysatay ayaa waxaa in dhahoodu arkeen lama filaan ah nuur iyo iftiin wayn oo kasoo baxay caasimadii umada soomaaliyeed mogdisho!!! nuurkaa ama iftiinkaa oo laga arkay dhamaan daafaha aduunka. Hadii lays waydiiyay ifkaa baxaya waxaa la ogaaday in uu yahay dhalashadii horseedaha iyo hogaamiyaha umada soomaaliyeed ee lagu doortay mogdisho ee dadkiisu doorteen waa Madaxwayne maxamed abdullahi farmaajo. doorashadiisa waxaa faraxad u dhintay tiro aaan yarayn ilaa hadana waxaa socda dal iyo dibadba dabaaldag aan kala joogsi lahayn. Sababtu waxaa weeye dadkii soomaaliyeed oo u bislaaday in ay mar uun arkaan haybadii iyo kala danbayntii iyo sharafkii dawladnimo ee soomaali lahaan jirtay waligeedba.

Soomaalidu waxay ogaadeen in xisbiyo shisheeye u shaqaynaya dalkeena laga dhex samaystay oo dhexda laynoo galay,intaynu isku jeednay dhexdeena oo isdilaynay.hada soomaalidu waxay meel iska dhigeen qabiil,nin jeclaysi,kooxaysi, shisheeye raac daba dhilif ah intaba. waxay u soo jeed sadeen difaaca diinta,dadka iyo dalka. waxayna heleen nin intaa aamin san oo ah xogaamiye wadani ah oo dhab ah kanoo mudo dheer loo oomanaa lana sugayay. waxaa doortay dadkii soomaaliyeed oo aan ukala harin ayagoo meel iska dhigay laaluush qaadasho,qabiil,shisheeye daba dhilif u noqosho intaba.waa guul u soo hoyatay soomaali.

JABKA CADAWGEENA cadawgii soomaaliyeed isagoo ooyahaya ayuu mogdisho ka baxay oo jabay.soomaaliyana waa siday u istaagtay maanta waxayna lasoo noqotay gobonimadeedii iyo sharafkeedii.shacabka soomaaliyeed maanta waa ul iyo diirkeed dawladoodana iyagaa ilaashan daba dhilifkana waa la dabar gooynayaa. daba dhilif kumanoolaan karo dalkeena anagana manihin kuwo laga baxsan karo.waxaa sharaf leh maanta oo ceebtii iska mayray ahayd dawlad marabaan reer mogdisho shacabka quruxda badan ee mogdisho oo qabiil iyo kooxaysi uf yiri oo iska tuuray una istaagay inay u hiiliyaan diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda oo hiil iyo hooba la garab taagan madaxwaynahooda.tani waxay ku abuurtay shacabka soomaaliyeed ee gobolada dagan farax iyo kalsooni walaalnimo iyo soomaalinimo buuxda hanbalyo reer mogdisho hooyadii soomaaliyeed hanbalyo.tuula kasta iyo dagma kasta iyo gobolkasta soomaaliya shacabkii waa hal maanta meel qur ah ayaan uuga soo wada jeednaa cadawgeena.waxaan rabnaa dawladnimo iyo nidaam iyo kala danbayn waxaan daryeelaynaa dalkeena iyo dadkeena. cadawgeena gacan bir ah ayaan isaga qabanaynaa.hogaan fiican ayaan helay waa in aanoqonaa shacab fiican dawlada inagaa leh malaha farmaajo sidaa daraadeed waa in aan ilaashanaa dalkeena iyo dawladnimadeena cadawgu ka xun yahay. waxaa cadawgu qorsheeyay in dhulkeena la qaato inagana layna dabar gooyo kadibna lagu raaxaysto dhulkeena waa diidnay taa gumaysina waa diidnay dalkan soomaali baa leh.

waxaa laynoo keenay 4.5 iyo qabiil baatihiin dawlad qabiilku ahaada!!! balyaabkaas day? kadib markay tani ina martay ayaa layiri hadana waxaa tihiin fadaraal ee qabiilwalbaa dagaanka uu dago hakasamaysto dawlad u gaar ah qabiilkaas halkaa dagan! balyaabkaas day? madaxwayne farmaajo hogaamin unbaan karabnaa dalka angaa difaacayna oo dhisayna cadawgana ka hortagayna anagoo ah shacabka dalkaan iska leh.kenya iyo ugandha iyo eithiopia waxaan rabaa inay iiga jawaabaan waxa ay u soo galeen soomaaliya? gumaysiga reer yurub ayaa soo kiraystay oo ku lacag siiya inay dalkeena soogalaan ee maha in iyagu ka dawlad ahaan is kharash gareeyeen oo ciidan u soo direen gacan siiya soomaaliya. mar hadii caqligooda iyo dhaqaalahooda iyo dawladnimadooda iyagoo xor ah oo is ticmaalaya aysan ii soo galin macnuhu waa godob iyo danbi ay iga galeen toobadusa waa u furantahay haday toobad keenayaan.Adoontan madoow waxaan lee yahay bal in aydaan aqli bartii lahayn inagoo daris ah oo dhul aan leeyahay aad haysataan ayaad hadana qarnigan la joogo cadaan adoon u tihiin iyo khudamaa adeegayaal hooseeya. waa maxay lacag baan kusiin ee iga karee cidamadaada oo gali soomaaliya? qaradii oo dhan baad ceebayseen.hadaan nayroobi iyo adis ababa boqolka sanadood ee soo socda laga barooran inbadan danbigaad gasheen awadeed soomaali xalaal ah ma ihi ee sidiinaan adoon ahay.

War soomaaliyeey balyaabkan arka shalay baan ceebtooda meel aan maro waynay oo inta doonyo lagu guray sidii xoolihii ameerika iyo yurub loo iib geeynayay oo lakala xaraashanayay. maantana kii shalay sidaa ugalay ee cadaanka ahaa ayaa isagoo xor ah ciidankiisii iibsanaya oo halkii askariba kasiiyay 1300 oo doolar kii dhintana mid baa loogu soo badili ileen waa ay bakh tiyay ee.bal in adoon, adoon uun yahay waligiiba saa ku ogaada.haduu wali iib yahay oo ragiisa la beecinayaa adoontan kenya iyo eithiopia.

Gabagabadii

Walaalayaal soomaaliyeey dhulkeenu waa dhulwayn,bad iyo wabiyo leh aan kashaqaysano bada iyo beeraha iyo xoolaha aan caruurteena soomaaliyeed waxbaro aan maal gashano dhulkeena oo dadkeena shaqo u abuuro aan gacmaha isqabsano aduunku waa waxyar inta qofku noolaado aan ku raaxaysano dalkeena caruurteenu ha dhaxlaan dalkeena aan u ilaalino. waxba makala nihin qabiil waa aragnay walaalayaal waa ina halaagayaa waa facaa ka har soomaalinimo ayaa ina deeqda ku ligeen walaalo ayaynu nahay aan is cafino midoowno raaxaysano guurka badino kaluunka cuno aan baashaalo caadi iska dhigno walaalayaal.aan kafakaro in qofkastaa oo soomaali ah naga rabo xurmo iyo xaqdhawr iyo qadarin aan isu naxariisano dhexdeena is jeclaano is weheshano walaalayaal.kursiga iyo maamulka hadba kii ilaahay u qoray unbaa inoo qaban aan lashaqayno ninkastoo qabtaa waa walaalkeen ogaada.

W/Q:- Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com