Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo maanta la kulmi rabo Guddoonada Labada Aqal

0

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu la qaadan doono Guddoonka labada Aqal  iyo Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaana loo badinayaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu uu kala hadli doono Masuuliyiintaasi  sidii loo Ansixin lahaa si uu u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.