Ra’isal Wasaaraha cusub oo la kulmay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay la kulanka Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlaya taageerada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mr Kheyre.

Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda UK ay si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono. Amb. David Concar ayaa sheegay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha, iyo xaalada 600,ooo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah.

Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo dhowaan ka dhici doono magaalada London.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona dowlado badan, iyadoo looga hadlayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, abaaraha iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu deeqo dhaqaale.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha cusub Mr Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada UK ay had iyo jeer la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ka mahad celiyay booqashada iyo is barashada Safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya.