SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Waxaan Horey Loo Arag Sameeyay.

0

Waxaa si weyn loo hadal hayay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku diiday in sagootin iyo soo dhoweeyn loo sameeyo safarkiisii ugu horeeyay ee uu dalka uga dhoofay.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilli subaxnimo oo aan la fileyn Khamiistii hore ka dhoofay garoonka Muqdisho, isagoo diiday in sagootin loo sameeyo, kadibna wuxuu dib ugu soo laabtay galabnimadii Sabtida isagoo aan sidoo kale wax soo dhoweyn ah loo sameyn.

Madaxda ugu sareysa dalka, wasiirada yo xildhibaanada ayaa saf u geli jiray soo dhoweynta madaxweynaha iyagoo maamulka Gobolka Banaadir soo diyaarin jiray boqolaal dad, taasoo gebi ahaanba uu joojiyay madaxweyne Farmaajo.

Diyaarad laga leeyahay Sacuudiga ayaa siday madaxweynaha, waxaana garoonka ku sugnaa dad ilaa shan qof ah oo shaqaalaha Villa Somalia u badan, waxaana iyagoo aan la ogeyn s si toos ah loo geeyay Madaxtooyada, tiiyoo aan wax jid ah loo xirin, lana dareemin inuu madaxweyne dhoofayo iyo inuu soo degayo midna.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay dowladda dhexe bur burtay ee aan Madaxweyne Soomaaliyeed loo xirin wadooyinka magaalada Muqdisho, taas oo ay aad dhib ugu qabeen shacabka magaalada Muqdisho, shacabka ayaa dhacdadan waxa ay ku noqotay mid lama filaan ah kadib markii uun ay ka war heleen in Madaxweyne Farmaajo uu dalka dib ugu soo laabtay iyagoo aan dareemina ku maray wadooyinka Muqdisho.