Shirarka Aqalka Cad Ee Dalka Mareykanka Oo Warbaahinta Qaar Laga Mamnuucay.

0

Wargaysyada The New York Times iyo Los Angeles Times, Tv-ga CNN, iyo tiro hay’ado warbaahineed ah ayaan ka qayb gali doonin shirarka saxaafadda ee aan la duubin iyo kuwa la duubo ee uu qabanayo xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad Sean Spicer.

Tifaftiraha New York Times Dean Baquet ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee arrin sidan oo kale ah ay la kulmaan taariikhda. Wuxuu sheegay in saxaafadda oo xorriyad loo siiyo daah-furnaanta xukuumadda ay muhiim u tahay danaha qaranka.

Goor sii horreysay ayuu madaxweyne Trump si caro leh ugu dhaliilay warbaahinta khudbad uu u jeediyey dad ololeeya oo muxaafidiin ah.

Ururka wariyeyaasha wararka ka soo tabiya aqalka cad ayaa tallaabadaas si adag uga qayliyey.