Talooyin muhiim ah oo ku socda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mr. Farmaajo.

0

Inta aanan qormadeyda bilaabin aan marka hore u mahadceliyo bacda xamdillaahi labada Gole ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Kuwaasi oo runtii ka jawaabay dareenka dadka Soomaaliyeed ee ay ku doonayeen in madaxweyne loo doorto Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo), Kaasi oo ay ku tumayaan in uu wax ka qaban karo dhibaatada adag ee ka jirta dalkeenna Soomaaliya.

Waxaan sidoo kale labada Gole ku amaanayaa in ay kahortageen mashruuci gumeysi ee ay Itoobiya ku taameysay, Kaasi oo ay wakiillo uga ahaayeen jawaasiis (siyaasiyiin) Soomaali ah oo ay in muddo ah soo barbaarineysay, Kuwaasi oo qaarkood ay ka dhigtay madax maamul goboleed, halka qaar kalena ay ka caawisay sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen labada Aqal. Waxaana ugu danbeyn leeyahay Baarlamaankeena: waad mahadsan tihiin.

Haddii aan dib ugu soo laabto mowduuca qormadeyda oo aan maanta kaga hadlayo talooyin muhiim ah oo aan u gudbinayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Farmaajo oo runtii ah muwaadin Soomaaliyeed oo aan aaminsanahay in uu aad uga soo horjeedo damaca waalan ee ay la ordayaan dowladaha dariska ah, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya oo ah cadowga koowaad ee ay leeyihiin dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan bariga Qaaradda Afrika.

Inta aanan soo gudbinin talooyinkeyga, Aan marka hore Madaxweynaha u sharxo waxa ay dadka Soomaaliyeed u taageersan yiihiin, Islamarkaana ay u jecel yihiin, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siineyso sababta uu u kasbaday taageeradan baaxadda leh. Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxaa haysta dhibaatooyin badan oo in muddo ah soo socday, Waxa ayna doonayaan hogaamiye wax ka qabta dhibaatooyinkaasi baaxadda leh.

Sidaan soo sheegayba, Dadka Soomaaliyeed waxaa maanta haysta dhibaatooyinkii ugu darnaa ee abid soomara. Waxaana dhibaatooyinkaasi ka mid ah amni-xumo, dhaqaalo-xumo, maamul-xumo, dagaal sokeeye, faragelin shisheeye iyo waliba kala qeybsanaan aad u baahsan. Waxaa sidoo kale dhibaatooyinkaasi ka mid ah siyaasiyiin xildoon ah, Kuwaasi oo beecinaayo wax walba oo ay Umaddu lahayd, Islamarkaana shaki gelinaayo midnimadii iyo madaxbanaanidii dalka

Siyaasiyintan, Ayaa si tartiib tartiib ah dalkii ugu gacan geliyey shisheeye, gaar ahaan cadowgii soo jireenka ahaa, Iyagoo dhisay wax ay ku sheegeen maamul goboleedyo, balse aan Aniga u aqaanno maamul beeleedyo lagu kala dhantaalayo midnimdii iyo wadajirkii dalkeena. Damiirlaawayaashan, Ayaa dalkii soo geliyey kumanaan kun oo xabasho iyo Kenyaati isugu jira, Kuwaasi oo lagu sheegay in ay nabad ka dhalinayaan Soomaaliya oo ay Iyaguba horay u soo burburiyeen !!

Madaxweyne, Dhibaatooyinkan aan ka waramay, Waxaa wax ka qaban kara hogaamiye geesi ah, Islamarkaana ay dhibeyso musiibadan haysata Shacabkan Muslimka ah ee ay ku hareereysan yihiin qataraha badan. Hadaba, Iyagoo Shacabka Soomaaliyeed ka duulayo dhowrkii bilood ee aad ra’isulwaaraha ka ahayd dowladdii Shariifka, Ayaa waxa ay aamineen inaad tahay shaqsi wax ka badali kara dhibaatooyinkaasi, Waana sababtaasi sababta ay kuu taageersan yihiin.

Wax ay sidoo kale aaminsan yihiin inaad tahay shaqsi karti leh, Islamarkaana ay ka muuqato naxariis, Kaasi oo waliba ka dhiidhin kara shirqoolada ay maleegayaan shisheeyaha daneeya arimaha Soomaaliya oo inta badan ku soo dhuunta gargaarka iyo wax siinta, Kuwaasi oo isugu jira caddaan iyo madow, carab iyo cajam iyo waliba muslim iyo gaal. Waxa ay sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed rumaysan yihiin inaad aasaas u noqon karto dib-uheshiisiin dhab ah, iyo waliba dhismaha ciidan qaran oo dalkan difaaci kara.

Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan hogaamiye daacad ah oo dalkan ka duwi kara wadadii uu ku soo socday lixdanki sano ee la soo dhaafay, Taasi oo runtii dhaxasiisay halka uu maanta taagan yahay. Waxaa kaloo ay u baahan yihiin hogaamiya ay ka go’an tahay fulinta rabitaanka shacabkiisa, Iyadoo aan dheg jalaq loo siineyn shisheeye iyo shisheeye-kalkaal, halka uu dhinaca kalena iska fogeynaayo cadowgii soo jireenka ahaa sida Itoobiya oo kale.

Madaxweyne, Waxaad ogaataa in Shacabka Soomaaliyeed ay Caalamka tuseen in dadka Soomaaliyeed aysan ahayn qabiil, qoys iyo deegaan bal ay yihiin qaran mid ah, Taasina waxaa marqaati ka ah mudaaharaadyadii Caalamka gelgeliyey sida kuwii ka dhacay Muqdisho oo kale. Waxaad kaloo ogaataa in fariintii la diraayey ay ahayd isbadal dhab ah oo dalkan ka dhaca sida joojinta dhiiggan maalin walbo daadanayo oo kale.

Haddii aan dib ugu soo laabto talo-siinteydii oo runtii udub-dhexaad u ah qormadan. Madaxweyne, Soomaaliya ma’ahan dal uu wax ka qaban karo qof qura, Maxaa yeelay, Soomaaliya waxa ay gaartay marxalad adag oo qatarteeda leh. Waxaana wax ka qaban kara oo kaliya dadka Soomaaliyeed oo Rabigooda kaashada, Islamarkaana iskutashta.

Hadabo, Anigoo kaashanayo caqligeyga, aqoonteyda iyo waliba inta kala socda socda arimaha Wadankeena, Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay waxa ay wax ka tari karaan dhibaatooyinka maanta horyaallo dalkeenna, Kuwaasi oo lagaa sugaayo inaad wax ka qabato. Talooyinkan, Ma’ahan runtii kuwa ay adag tahay in la fuliyo bal waxaan aaminsanahay in ay yiihiin kuwo fudud, Islamarkaan aad ku heli karo taageero badan waa haddii aad qaate.

Madaxweyne, Waxaa talooyinkan igu dhaliyey ka dib markii aan arkay koox aan u bixiyey qalbi-rogan oo aan ula jeedo siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa shisheeye-caabudka ah, Kuwaasi oo mar horaba bilaabay in ay wadada kaa leexiyaan, Iyagoo diraayo fariimo cabsi gelin ah oo ay ku doonayaan in ay kugu hoosgeeyaan shisheeyaha, gaar ahaan dalalka dariska ah. Waxaa iyadana kooxdan ku lamaanan koox kale oo Iyadan u waalatay deeqaha lugooyada ah ee ay Caalamka bixiyaan.

Labadan kooxood, ayaa doonaayo in la diro fariimo lagu dajinaayo shisheeyaha daneeya arimaha Soomaaliya, gaar ahaan dalalka dariska ah, balse waxa ay ilaaween in dadka Soomaaliyeed ay waxaasi horay ugu soo naceen madaxdii Adiga kaa horaysay. Kuwaasi oo isku dayi jiray in ay qanciyaan dalalka dariska ah iyo shisheeyaha kaleba si ay u ilaashadaan korsigooda iyo waliba dhuuqdhuuqa yar ee ay ka helaan !!
Hadaba, Madaxweynow haddii aad dooneyso in uu dalkan guuleyso, Adigana uu magac iyo muuno ku raaco, Fadlan iga qaado talooyinka aan kuu soo gudbin doonno, Kuwaasi oo rajeynayo in ay wax ka badali doonaan xaaladdan murugsan ee ka jirta dalkeenna ee ay sababta u yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee jaalka la ah dalalka Itoobiya iyo Kenya.
1-Inaad Allaah ka baqdo, Islamarkaana aad runta noo sheegto

2-Inaad mudnaanta koowaad siiso arimaha la xariira dib-u-heshiisiinta, Iyadoo laga soo bilaabayo salka hoose.

3-Inaad wadahadalo dhab ah la furto Xarakada Al-shabaab, Iyadoo lala kaashanayo Culimada iyo Odoyaasha dhaqanka. No dagaal

4-inaad dalka ka saarto dhamaan ciidamada Shisheeye, gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya.

5-inaad ku dadaasho midnimada iyo madaxbanaanida dalka xitta haddii lagu weynaayo taageerada Caalamka.

6-Inaad kulan ballaaran la yeelato waxgaradka Soomaaliyeed sida Culimada oo kale si aad uga dhegeysato aragtidooda badbaado.

7-Inaad soo afjarto dhaqan-xumida ee ay caadeysteen maamul goboleedyada shisheeye-kalkaalka ah.

8-Inaad si gaar ah isaga xilsaarto dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiraan xabsiyada Aduunka gaar ahaan dumarka.

9-Inaad iska fogeyso shaqsiyaadka xiriirka dhow la leh dalalka dariska ah sida Itoobiya oo kale.
Codsi gaar ah:

1- Inaad wareegto gaar ah ka soo saarto dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Soomaali Galbeed ee maalin walba la dhiibayo.

2- Inaad qabato shirweyne qaran oo looga hadlaayo arimaha quursiga iyo xaqiraadda lagu hayo beelaha qaar.

3- Inaadan safarkaaga koowaad ku bilaabin Adis Ababa iyo Nayroobi, bal aad ku bilaawdo Jabuuti, Turki, Qadar iyo Sacuudi.

4-Inaad cafis guud u fidiso dadka u xirxiran Dowladda Federaalka ee ku eedeysan dagaaladan ay shisheeyaha hurinayaan.

W/Q: Maxamed Ibrahim (ragow)
Ragow1960@hotmail.com