TOOS U DHAGEYSO:- Shariif Xasan Oo Xilka Ka Qaaday Wasiirkii Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed.

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Maxamed (Macalin Barre) oo ka mid ahaa xubnihii Mooshinka ka keenay Shariif Xasan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Khamiislaha ee ay yeesheen Golaha Wasiirada, waxaana arrimihii looga hadlay ka mid ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay Wasiirka.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Wasiirkii Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama uu horey u sheegay in uusan Wasiir aheyn.

Sidoo kale Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in si gaar ah ay Digreeto uga soo bxii doonto xafiiska Madaxweynaha oo lagu cadeyn doono xil ka qaadista Wasiirka.

 

HOOS KA DHAGEYSO