WAR DEG DEG AH:- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland oo Iscasilay

0

Agaasimihii guud ee Madaxtooyada Maamulka Puntland Dr Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa is casilay goor dhaweyd, isagoo warqadiisa Is casilaada u gudbiyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada.

Agaasimaha guud ayaa ujeedada uu shaqadan iskaga casilay ilaa hadda warar kala duwan ay ka soo baxayaan waxay sheegayaan in uu Deeq Saleebaan Yuusuf ka mid noqon doona xubnaha cusub ee golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa go’aansaday in uu sameeyo Isku shaandheyntii ugu balaarneyd, taas oo saameyn doonta in ka badan 40 siyaasi oo kamid ah golaha Xukuumada iskuguna jira Wasiiro, Wasiiro kuxigeeno iyo Agaasimayaal Hay’addaha madax banaan qaarkood.

Xogihii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in uu Madaxweynuhu soo gabagabeeyey Liiskan, oo uu saacadaha dhaw saxiixi doono, taas oo hadal-heynteeda aad ay usoo baxayso.

Madaxweyne Gaas ayaa aqbalay iscasilaada Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Deeq Saleeban Yusuf oo ahaa shaqsigii ugu horeeyey ee uu xil u magacaabo Madaxweynaha Maamulka Puntland markii uu la wareegay Aqalka Madaxtooyada sannadkii 2014-kii.