WAR DEG DEG AH:- Dil Caawa ka dhacay Masjid ku yaalla Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya caawa inta u dhaxeysa wadada Buundooyinka gaar ahaan dhanka Xamar Jajab ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow kooxo hubeysan ay Masjidka Bandhabow oo halkaasi ku yaalla ku dhex dileen Nin Dhalinyaro ah.

Mid ka mid ah dadka Degaanka ayaa waxa uu sheegay Salaada cishaha kadib in kooxo hubeysan ay Masjidka Bandhabow ku dhex dileen Ninkaasi.

Sidoo kale Waxaa la sheegay Qofka la dilay in uu horey u ahaa Askari, balse hada ka mid ahaa dadka Masjidka u soo dukada.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano, iyo sida uu dilka u dhacay.