WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gaba gabeeyay booqasho rasmi aheyd ee uu ku joogay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga.

Wafdiga uu hoggaaminaayay Madaxweyne Farmaajo ayaa labo cisho ku sugnaa Sacuudiga, waxaana halkaas Madaxweynuhu kula kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, Dhaxal sughaya Boqortooyada, Wasiiro iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalooyinka barakeysan ee Makkha iyo Madiina, isagoo ku cumreystay Xaramka, halkaasoo uu Umadda Soomaaliyeed ugu soo duceeyay, inuu dhibaatada abaareed ka dulqaado.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya Dahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay booqashadooda ay ugu soo dhamaatay si guul ah, isla markaana ay goor dhow ka soo ambabaxeen magaalada Jeddah.

Ammaanka garoonka diyaaradaha iyo waddooyinka qaar ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana socda qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkii uu ku tagay Sacuudiga ay aheyd kii u horeysay ee uu dalka uga baxo, tan iyo markii 8-dii bishan loo doortay xilka Madaxweynaha.