WAR DEG DEG AH:- Nabaddoon lagu dhaawacay Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dhaawaceen  mid ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed.

Dhaawaca Nabadoonka oo ka dhacay Xaafada Cali Kamiin  ayaa waxa loo geystay Nabadoon lagu mgacabaai jirey Cismaan Kheyre

Kooxaha dhaawaca geystay ayaa la sheegayaa in ay Nabadoonka kasoo raaceen Masaajidka oo uu kusoo tukaday salaada Maqrib.

Cismaan Kheyre ayaa ka mid ah ahaa Ergadii Magaalada Cadaado kusoo dooratay Xildhibaanada.

Dilalka loo geysto Nabadoonada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho.