WAR DEG DEG AH:- Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow xarunta Bankiga Dhexe ee Boosaaso uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Dadka qaar oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in Qaraxan uu ahaa Labo Bambo gacmeed oo lagu weeraray xarunta Bankiga Dhexe oo ku aktaala xarunta Gobolka Bari, waxaana intaasi kadib xigay Rasaas afarta jiho ay u rideen Ciidanka ammaanka.

Sidoo dadka Degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen ragga weeerarkan fuliyay in ay ahaayeen Labo dhalinyaro ah, kuwaasi oo goobta ka baxsaday Qaraxa kadib.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan, inkastoo ay baaritaano wadaan Saraakiisha Laamaha amniga.

Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay xireen afarta jiho ee goobta Qaraxa ka dhacay, si ay u adkeeyaan ammaanka.