WAR DEG DEG AH:- Xildhibaan hore oo hada Muqdisho lagu toogtay

0

Dabley hubaysan ayaa la soo warinayaa in Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ay ku toogteen Xildhibaan hore oo ka tirsanaan jiray Dowladii C/qaasin Salaad Xasan, iminkana ka tirsanaa shaqaalaha Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Ragga hubaysan ayaa rasaas ku furay gaari uu watay C/qaadir Qaasin Mursal, xilli uu maraayay xaafadda Ceeldheere ee Degmada Dharkiinley, ka dibna markii uu geeriyooday waxa ay ka xeysteen gaarigiisa, iyadoo ciidamada ammaanka ay eryadeen raggaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay soo celiyaan gaarigii uu lahaa muwaadinkaasi Somaliyed ee la dilay, balse waxaa goobtaasi ka baxsaday raggii hubaysnaa ee dilka geystay.

Saraakiisha ammaanka Degmada Dharkiinley, waxa ay sheegeen inay ku raadjoogaan kooxihii dilka geystay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

C/qaadir Qaasin Mursal, oo iminka ka howgalaayay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Xarunta Dambi baarista Booliska Somaliyed ee (CID), halkaasi oo lagu baarayo dilka.

Maalmahan dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay dilalka qorsheysan ee loo geysto xubnaha la shaqeeya dowladda Federalka Somaliya, waxaana inta badan ka baxsada goobaha ay dilalka ka geystaan ragga hubaysan.

Xalay ayeey aheyd markii Koox hubaysan ay weerareen nin Nabadoon ahaa, kaasi oo dhaawac ay u geysteen, sidoo kale habeen hore ayaa Askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida lagu dhex dilay masaajidka Bandhabow ee Degmada Xamar jajab.