Wariye C/maalik Coldoon oo maanta Maxkamad lasoo taagayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa kusoo waramaya in maanta lagu waddo in Maxkamad la horkeeno Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Magaalada Hargeysa.

Wariyeyaasha ku sugan Hargeysa ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla Hargeysa maanta Wariyaha lasoo taagi doono.

Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu  ku xad gudbay Jirintaanka Somaliland.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.