Warqad Furan oo ku socota Madaxweyne Farmaajo.

0

Bismilaahi Al-Raxmaani Al-Raxiim.

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Mudane Madaxweyne, ilaahay (SW) hakuu fududeeyo masuuliyadaan aadka u culus.

Waxaan ahay muwaadin aad ugu farxay doorashadaada, gudanahayana waajibkiisa muwaadinimo, jecelna inuu kula wadaago dhowr talo oo kala ah:

1: Haku dooran raysalwassare qabiil, hana kadhigin qabaa’ilada hubaysan midkood. Adiga laguguma dooran qabiil ee waxaa kudoortay Soomaali oo idil.

Manta waxaad haysataa fursad aad soomaaliya uga badbaadiso 4.5 sidaad sheegatay markaad ahayd raysalwasaaraha. Ka xullo raysal wasaare kartileh qabiilooyinka soomaaliyeed ee aan hubaysnayn adoo eegaya aqoon, karti, daacadnimo iyo caddaalad.

2: Kula tali raysalwasaaraha aad xulandoonto in wadankani aanu awoodin inuu bixiyo kharashka xukuumad balaaran, oo uu awood u la’yahay inuu bixiyo mushaarka naftood hurayaasha ciidamada qalabka sida, sidaas draadeed waa in wasiirada xukuumadu kabadan shan wasiir maadaama aynu hadda nahay federal.

Waxaan u baahanahay oo kaliya: B: wasiirka Arimaha dibada T: wasiirka Gaashaandhiga J: Wasiirka maaliyada iyo dhaqaalaha X: wasiirka arimaha Gudaha iyo Horumarinta Bulshada KH: wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta.

Waxaadna ka xulataa wasiiradaas qabiilooyinka nabada jecel sida: Reer banaadiriga. Jareer Weyn, Gabooyo iyo kuwa kale ee lamidka ah.

3: wadankaani ma’awoodo inuu yeesho safiiro dal walba u fadhiya wadankeena, sidaas daraadeed, waxaan u baahanahay safiir qaaradwalba noo jooga sida: Safiirka Midawga Afrika, safiirka Jaamacadda Carabta, Safiirka qaarada aasiya, Safiirka Midawga Yurub iyo safiirka qaaradda Ameerika iyo Qaramada Midoobay (5 safiir)

4: waxaad abuurtaa hay’ad dhaliyaro wadaniyiin ah oo u kaca mushharbixinta naftiihurayaasha xooga dalka Soomaliyeed oo hormuud uyahay halyeey Cabdimaalik Muuse Coldoon kuwaas oo kasoo ururin doona shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dalka iyo dibadaba kharashkii lagu dhisi lahaa ciidan tayo leh.

5: adigoo lakaashanaya Baarlamaankeena Sharafta leh sida ugu dhakhsaha badan waa in loo mahad celiyaa shacabka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah, gaar ahaan shacab Muqdisho kuwaas oo ah shacabka kaliya ee canshuurtooda lagu bixiyo adeega dawladda Soomaaliyeed iyadoo waliba laduudsiiyay xuquuqdoodii wadaninimo. Waa in si dhaqso ah baarlammanka sharafta usiiyaan dadka reer Muqdishu xuquuqdooda wadaninimo taas oo kudheehan in laqaybsado canshuurta dalka lana wadayeesho dalka meel kasta.

6: Waa in la garawsado dhibaatooyinkii ka soo gaaray dawladihii hore ee Soomaaliya dadka ree waqooyi guud ahaan, gaar ahaana goboladii waqooyi galbeed iyo togdheer oo lagu la kacay xad gudub bini’aadanimada kabaxsan kaasoo lahaa naf iyo maalba. Waa in laga raali galiyo oo waliba lagarawsado inaan loogu hanbayn siday noo gu liseen. Shalay ayagaa dawladnimadoodii noolayimid maatna hadday Soomalinimadu dhab nagatahay waa inaan annagu ula tagnaa una soo bandhignaa wax ka duwan in qabiilooyinka qaar ay xaq ul eeyihiin inay wadanka xukumaan inta kalana ay yihiin duljoog. Guddi oo hogaaminayo halyeey Prof. Cabdi Axmed Ismaaciil iyo wadaniyiinta kale ee reer waqooyi waa inay noqdaan kuwa aad kala tashato arimahaas.

7: Cadawga soojireenka ah wuxuu dhistay xulufo aan wadanku ka dhaqaaqin oo layiraahdo dawlad goboleed iyo dagaal oogayaal kale. Si looga gudbo caqabadahaas waa in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiraa dastuurka dalka codna looqaadaa si sharcigu uga sareeyo cid walba.

8: waa in si dhakhsa ah loo dhisaa hay’adda canshuur ururinta dalka iyadoo mawaadinkasta loo sameeyo lambar looga qaado canshuurta, baarlamaankuna ku dhiirado inuu sameeyo shaciga canshuuraca iyo sida loo kala qaybsanayo canshuurta dawlada dhexe iyo mida gobolada.

Mudane Madaxweyne marlabaad ilaah (SW) hakuufud hawsha culus eek u hortaal adiga iyo baarlamaankeena ciil tire.

WCWW

W/Q:Axmed Ilweyn
axmedilweyn@gmail.com